Haydayn claess
Business administration
Be respectful because everything deserves respect and appreciation
Wada-hadalo ay lahaayeen Isimadda Dhaqanka SSC iyo Wafdi kasocda dawladda Itoobiya ayaa hadda soo dhamaaday, Labada dhinac ayaa ka hadlay dagaalka gobalka Sool.
1- Isimaddu waxay sheegen in duulaan lagu soo qaaday, magaaladooda laburburiyey si kasta walina weerar lagu yahay- iyagu aysan marnaba weerar aheyn, magaalada ay difaacanayaan dadka deegaanka oo aysan Argagixiso joogin.
2- Waxay beeniyeen in ciidanka Somaliland xabadjoojin ay dhaqangaliyeen, waxay sheegeen in dadka deegaanku iska difaaceen 8 weerar oo waa weyn oo ay kusoo qaadeen magaalada Laascaanood.
3- Kaabayaasha bulshada la burburiyey (Isbitaalka dhammaan qeybihiisa, xarumihii danta guud, Korontada oo shaqaalaheedii la afduubay, qaar la dilay qalabkiina la waxyeeleyey).
4- In nabad iyo xabadjoojin ku imaanayso in ciidanka Somaliland lagu celiyo xadkoodii, lagana saaro gobalka Sool, sidii ay soo saareen 6-dii bishii Feb-2023, maalinkii dagaalku bilowday.
DHINACA ITOOBIYA; ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii xalwaara loo heli lahaa, ayna soo dhageysteen 2-da dhinacba Laascaano Vs Hargeysa, Addis Ababa-na ay doonayso in si nabad ah lagu dhameeyo dagaalka Laascaanood, iyagoo tilmaamay in dagaalka oo sii socda aysan Geeska Afrika dani ugu jirin.
Puntland oo mar kale Cadeysay in aysan Qayb ka ahayn Ciidamadeedu Dagaalka ka Socda Laascanod.
Garowe, 03/03/2023: Dowladda Puntland waxay markale cadaynaysaa mowqifkeedi ahaa in aanay qayb ka ahayn, ciidamadeeduna ku jirin dagaalka ka socda Laascaanood iyo Deegaanada ku xeeran.
Dowldda Puntland marwalba waxay qadarinaysaa in Soomaalida dhexdeeda iyo Gobolkuba kuwada noolaadaan nabadgelyo, xasilooni iyo daris wanaag, wixii khilaaf ahna lagu xaliyo miiska wada hadalka.
Dagaalkaani wuxuu u dhaxeeyaa oo kali ah dadka deegaanka oo naftooda iyo aayahooda difaacaya iyo Somaliland oo rabta in ay xoog ku haysato, qori caaraddiisna ku hirgeliso mashruuceeda gooni-goosadka ah.
Cidkasta oo kale oo ay Somaliland dagaalka ku eedayso waa marin habaabin iyo marmarsiiyo kale oo ay rabto in ay ku sii waddo xasuuqa dadka shacabka ah.
Dagaalkaan oo sii socda waxaa kaliya oo ka dhalan kara masiibo bini’aadantinimo iyo mid amni oo saamaysa Gobolka oo dhan iyo Soomaalida dhexdeeda.
Colaadda Gobolka Sool ee keentay Dhimashada, Dhaawaca iyo burburka xad-dhaafka ah masuuliyaddeeda waxaa iska leh Somaliland, nabadduna waxay ku imaan kartaa iyadoo ciidamadeeda Gobolka kala baxda, dadka deegaankana u ogolaata in ay iyagoo xor ah oo nabad ah ayaahooda ka tashadaan.
DHAMMAAD.
Culeys aad u weyn ayaa xilligan Laascaanood duleedkeeda laga dareemayaa. Waa laysku ruqaansanayaa oo jawiga ayaa gebi ahaanba isbeddelay. Berrito dagaal ka xoogbadan kuwii horey u dhicijirey ayaa la filayaa. Ciidamada SNM oo u badan dad khasab goobta lagu keenay ayaa cabsi xooggani lasoo daristay.
Cududa ciidan ee dul hoganaysa ayaa ah mid si walba uga miisaan culus ta cadowga SNM. Waxaa caawa dhicikarta in goobaha lagu kala dhuunto oo ay banneeyaan ciidamada lasoo juujuubay ee Muuse keenay duleerka magaalada.
Waxaynnu joognaa guul waxaynuna dhignay taariikh laga sheekeyndoono.
KU: BEELAHA SSC
KU: BEELAHA HIIL WALAAL
................. ............... ......... 28/2/2023
Muuse Biixi wuxuu Sicad U-diiday in uu Ciidamadiisa kala baxo Sool. wuxu 979 beesha Isaaq iyo Odayaashi dhaqanka ee beesha Isaaq dhamaantood wuxuu si toosa uga diiday Taladi ay Siiyeen ee ahayd inuu Ciidamadiisa kala baxo Sool.
Taa badalkeeda wuxuu Wadaa Abaabul Ciidamadan iyo Guluf Dagaal kii ugu wayna.
Wuxuu soo dhoobay G.Sool dhamaan wixii ciidan ahaa ee Somaliland haysatay. Sida Ciidamada Booliska, Asluubta, Cidamada, Ciidamada Sirdoonka, Ciidamada, iyo Ciidan beeleedyo hada laga qorayo Magaalooyinka Burco, Hargaisa, Berbera iyo Gabiley. Ma jirto haba yaratee wuxuu Tamar iyo dhaqaale la hadhay waxaa ka Go'an xasuuqa,barakicinta iyo burburinta Lasacanod. Sido kale Muuse Awoodii dhaqaale ee Somaliland wuxuu kusoo leeyay Dagaalka iyo Lasacanod. Waxaa Musharki iyo Gunadii laga jaray inta badan shaqaalah Maamulka. Waxaa jira Dawlado ka Caawinaya Somaliland Dagaalka ka Socda Lasacanod, kuwaaso Saanad iyo dhaqaale .
Dhanka kale reer SSC waxaad mooda in aanay Wali fahmin Diyaar garawga iyo dhagarta SNM iyo heerka uu gaadhsiisanyahay. Anigoo og in aynu isku filanahay Cadawgana kaga guulaysanay Goob-kastoo Dagaal misana waxaa loo baahanyahay Diyaargaraw Udhigma ka sareeya Kan SNM iyo Xuluufadoodu sameeyen.
1. Waxaa waajib ah in qof kasta oo reer SSC ah oo qori qaad ah iska soo Xaadiriyo Agaaga Dagaalka.
2. Hubka iyo Sanaada yaala Degaanada beeshu degto waa In la keena agaaga Dagaal ka.
3. Qofkasta oo dhaaaqle haysta waa inuu bixiyaa dhaqaalaha si halganka loogu xoojiyo.
4. Ciidamada u dhashay beesha ee ku kala jira Maamulada kala duwan waa in ay iska Soo xaadiriyaan Aagaga Dagaal-ka.
"HIIL WALAAL"
Beelaha aanu wada dhalanay ee nooso gurmaday waxaan halkan u marinayaa mahad iyo bogaadin Baaxad leh . intaa kadib waxaan rabaa inaan HIIL WALAAL Xasuusiyo Lasacanod waxaa ka Dagaalamaya maamul 32 Sano jir, sidoo kale Maamulkan Waxaa Caawinaya Daawlado ay xidhiidh leeyihiin. Sida Taiwan 🇹🇼 iyo Djabuti .
Sidaa daradeed Waxaan idiin soo jeedinayaa walalayaal Inaad Fahamtaan Sida Saxda ah ee wax U-jiraan iyo heerka uu leegyahay garabka iyo Cududa Lasacanod idiinka Baahantahay inay Intan ka baaxad wayntahay . ..
Ugu-danbayn waxaan rabaa inaan Si toosa ugu mahad Celiyo walalaha usoo Gurmaday Magaaladooda ee Cadawgu Halakeeyay. Waxaan idin leeyahay Hawl k**a Daalooyin wali. 📖 🖊 📕""""""""
Geesiyaasha SSC Shaley iyo Maantaba Waa kuwii Taariikhdaa lahaa ee Awoowayaashood liqey Sancadaalihii ingiriiis ee yamyam iyo Qadaadweynta dunidda isaga keeney.
Guutadii lasoo dumay haddii nalagu soo duushay
Wax lasoo dadaanshaba haddii nala dulgowriirshay
Dildilaaca waaberi haddii nalagu sii daayey
Annagoon digniin qabin haddii nala dabaalsiiyey
Digta weerar qoobkii hadday dininigtii yeedhay
Dooyada uluufta ah hadday Daalo kor u dhaaftay
Qayladu daluuntaye haddii nala dareensiiyey
Degdeg inaan usoo roorro waa dawlad alabkeede
Ma dul keenay kuman duubcadoo wada Daraawissh ah
Digri markuu kusoo galay xarbiga aniyo duulkaygu
Dayaaydii horeetaba baqay dabada taageene
Diigaanyo ciidana miyaan daafta kala raacay
Maamulkii Badhidda weynaa Waxaa ku dhacey jab iyo jaahwareer illaa hadda waa isa soo dhiibayaan Maleeshiyadii kuwii ku hareyna nafla caarigii waxey gabaad kadhigteen Madaafiic Waa weyn oo Si indhala aana usoo tuurayaan.
Guuleysta Geesiyaasha SSC.
Saakana weeraro horleh ayay Soomaliland soo qaaday, Xabada ayaa hada ka bilaamatay waxaan rajaynayaa inshallah in ay ku soo dhamaanyso sidiii wanaag sanayd ee ilaahy noosiin jiray guusha
21/02/2023
“Malleeshiyaadka Muuse u dagaalamaya sida uu sheegay Jabuutaawi waxay ahaayeen 2000 , Waxaa la laayey 1000 , Inta soo hadheyna waa lagu darayaa , Dhulbahante wuxuu yaqaanoba waa Dagaal , Dadkiina Difaacda “
“Kalshaale Silaanyo wuxuu ku laayey 500 oo qof , Muuse na wuxuu doonayaa inuu sidaa sameeyo laakiin ma iga in aanu nahay Rag Geeri u diyaara “
Taladiina maanta waa Mid , Ee Midnimadiin ilaashada ”
“Garaadayada Mid aan afar luuqadood hadlin ma jiro , Muuse u sheega…..
Xildhibaan Dhakool
; Gawaadhida Aynu furanay inta lahayo ilaa hadda.
1) Kaare laduljoogo oo silsilada ay ka jareen xoogga ssc.
2) Gaari B10n ah oo gacanteena kujira
3) Sadex BKM ah oo iyana ragii sitay aynu qolof ka dhignay
Gacanteenan kujira.
Guul iyo gobanimo
Ninkii dhoof ku yimid beey geeridu dhibaysaa.
Cliquez ici pour réclamer votre Listage Commercial.
Type
Site Web
Adresse
Heures d'ouverture
| 09:00 - 17:00 |
