Wararka Tooska ah

Wararka Tooska ah

Share

Mahamedtv2

18/10/2026

Laa ilaha illalah Cadhiimul xaliim.

18/10/2026

Munaasabad lagu abaalmarinayay shaqaalihii hormuudka noqlday sanadkan dhamaaday ee 2018 TI ayaa kaqabsoontay gudaha Cusbitaalka darajada 1aad ee Qabribayax.

Munaasabadan oo uu soo agaasimay maamulka sare ee Cusbitaalka Qabribayax ayaa waxaa kasoo qaybgalay maamulka cusbitaalka, madax waaxeedyada, dhamaan shaqaalaha kahawlgala Cusbitaalka iyo bulshada magaalada Qabribayax qaybeheeda kaladuwan.

Kulankan ayaa waxaa lagusoo bandhigay warbixinta waxqabadka rubicii 1aad ee SM 2019 TI iyo qorshaha rubuca 2aad iyo Waxyaabaha ahmiyada gaarka ah lasiinayo oo ay kamid yihiin xoojinta tayada adeega uu bixiyo Cusbitaalku.

Gabogabadii munaasabadan ayaa sbaal marino lagudoonsiiyay shaqaalihii hormuudka noqday ee kusifoobay; shaqo wanaaga, ilaalinta saacadaha shaqo, u dhimrinta bulshada ay u adeegayaan. Waxaa kale oo shahaado sharaf lagudoonsiiyay dhalinyaradii magaalada ee sida joogtada ah dhiigooda ugu deeqayay xarunta kaydka dhiiga si loogu badbaadiyo ilaahaybaa wax badbaadiyee naf ubaahan.

Xafiiska Caafimaadka DDS
October 18, 2026

17/10/2026

Quran karem
Mahamed Ahmed Muhumed

17/10/2026

Short vedio.

17/10/2026

Mahamed Ahmed
Khayrka Allah hanawaafajiyo
Mahamed Ahmed Muhumed
Mahamedtv1
Myare

17/10/2026

Kusali Rasulka Sallalahu Calleyhi Wasalam(scw)
Mahamed Ahmed Muhumed
Mahamedtv1

17/10/2026

Kulan Lagu Qiimaynayey Xaaladda Adeeg-bixinta Xarumaha Caafimaadka DDS.

Kulan lagu qiimaynayey xaaladda adeeg-bixinta xarumaha caafimaadka ee Deegaanka Soomaalida ayaa ka qabsoomay hoolka Xafiiska Caafimaadka DDS, waxaana shir-guddoominayey Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS, Dr. Muse Axmed Ibraahim.

Kulanka waxaa ka qaybgalay wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Caafimaadka DDS, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan iyo isku-duwayaasha xafiiska.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta xaaladda guud ee adeeg-bixinta xarumaha caafimaadka, gaar ahaan xarumaha leh waaxyaha qalliinka (Operating Rooms), iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo tayaynta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah (Primary Health Care) sannadkan. Waxaana lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan heerka ay marayaan adeegyada caafimaadku, diyaargarowga xarumaha iyo caqabadaha hortaagan bixinta adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu aasaasay Guddi Farsamo (Task Force Team) oo loo xilsaaray dardargelinta iyo isku-dubbaridka hawlaha lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka aasaasiga ah. Guddigan ayaa ka shaqayn doona aqoonsiga caqabadaha jira iyo xal u heliddooda, diyaarinta qorshe hawleed mideysan, xoojinta wada-shaqaynta waaxyaha ay khusayso iyo dabagalka fulinta tallaabooyinka lagu tayaynayo adeeg-bixinta xarumaha caafimaadka.

Ugu dambayn, kulankani wuxuu qayb ka yahay dadaallada Xafiiska Caafimaadka DDS ee lagu horumarinayo tayada iyo joogtaynta adeegyada caafimaadka, si bulshada deegaanku u hesho adeegyo caafimaad oo tayo leh, ammaan ah, isla markaana si joogto ah loo heli karo.

Xafiiska Caafimaadka DDS.
October 17.2026

16/10/2026

Jumce Mubarik

13/10/2026

Tababarka Dib-u-habaynta Xarumaha Caafimaadka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Jigjiga.

Jigjiga: Tababar ku saabsan dib-u-habaynta xarumaha caafimaadka oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Jigjiga ayaa maanta la soo gabagabeeyay.

Tababarkan ayaa waxaa ka qaybgalayay isku-duwayaasha caafimaadka ee gobollada iyo maamul-magaalooyinka deegaanka, iyo khubarada ka shaqeeya Nidaamka Macluumaadka Maamulka Caafimaadka (HMIS).

Ujeeddada tababarka ayaa ahayd sidii ka qaybgalayaashu u heli lahaayeen faham wanaagsan oo ku saabsan hawlaha iyo hannaanka dib-u-habaynta xarumaha caafimaadka ee deegaanka, si loo xoojiyo tayada adeegyada caafimaadka iyo hirgelinta nidaamka dib-u-habaynta.

Xidhitaanka tababarka waxaa ka soo qaybgashay Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Caafimaadka DDS, Marwo Xaawo Sulaybaan, oo ku boorrisay ka qaybgalayaasha inay aqoonta iyo xirfadaha ay tababarka ka korodhsadeen ugu adeegsadaan shaqadooda, si loo xaqiijiyo hirgelinta qorshaha dib-u-habaynta xarumaha caafimaadka iyo horumarinta adeegyada caafimaadka ee deegaanka.

Xafiiska Caafimaadka DDS.
October 12.2026

Category

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wararka Tooska ah posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Subscribe

We will notify you when anything happens in Jijiga.