Dr.GacaL

Dr.GacaL

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr.GacaL, Health/Beauty, Mogadishu.

19/10/2023

Faa iidooyinka socodka🚶👇
Faa’iidooyinka caafimaad ee socodka u leeyahay xubnaha jirka waa kuwo aan dhammaad lahayn.
Si joogto ah oo maalin kasta aad u socoto waxay si weyn u hagaajin kartaa caafimaadkaaga jirka iyo maskaxda si buuxda.

Socodka wuxuu qeyb weyn ku leeyahay isuduwidda, is-waafajinta iyo wadashaqeynta ka dhexeeysa dhammaan xubnaha jirka sida kala-goysyada, lafaha, murqaha, neerfaha, wadnaha, sambabaha, beerka, kilyaha iyo caloosha.

waxayna u baahan yihiin hawlo badan oo maskaxeed si ay waxyaabahaas oo dhan u dhacaan isku mar.

Waa tan socodka ka dhigaysa marka kaliya oo dhammaan xubnaha jirka hal mar si wacan dhaqdhaqaaq ay u wada sameeyaan taas oo sare u qaadaysa shaqooyinka iyo caafimaadka xubnahaasi la xiriira.

Marka uu qofku soconayo cagtana uu ku garaaco dhulka waxay soo dirtaa mowjad hydraulic ah oo kor u kicisa xididdada dhiigga, taas oo kordhisa dhiigga. Nafaqada iyo oksijiinka ee maskaxdu ku shaqeyso.

Socodka Wuxuu U Wanaagsan Yahay
▪︎Dhimista cadiinta iyo miisaanka
▪︎Xoojinta lafaha iyo murqaha
▪︎Caafimaadka maskaxda iyo wadnaha
▪︎Riixa ku dhaca kalagoysyada
▪︎Dheefshiidka iyo calool fadhiga
▪︎Fikirka iyo hal abuurka
▪︎isku dheelitirnaanta shaqooyinka beerka iyo kilyaha
▪︎isku buuqsanaanta
▪︎Dhimista cusbada iyo sokorta jirka ku bata
▪︎Sare u qaadida tayada hurdada
▪︎Xanaaqa iyo cabsida
▪︎Bararka lugaha iyo
▪︎Hooyada uurka leh

Marka Uu Qofka Soconayo Imisa Tallaabo Ayuu U Baahan Yahay Inuu Qaado Si Caafimaadka Jirkiisa Oo Dhan U Ilaaliyo ?

Si loo gaaro dhammaan waxtarka ballaaran ee socodku u leeyahay jirkeena waxaa muhim ah in qofku marka uu soconayo qaado 10,000 oo tallaabo oo u dhiganta qofka in uu socdo 8 kiilomitir ama hal saac iyo 40 daqiiqo.

Qofka aan intaas awoodin wuxuu sameyn karaa hal saac ama 40 daqiiqo oo socod ah asaga xisaabta ku darsanata hadba socodkaada inta uu la eg yahay ayuu la ekaan doonaa caafimaadka jirkaada oo dhan.
Dr.GacaL

14/10/2023

Bal maanta aynu isla eegno waxa jidhkaaga ku dhici kara hadaad 14 cisho iska dayso wax sonkor ama macmacaan layidhaa oo dhan.

1. Baahida ama appetite ka aad sonkorta u qabto ayaa hoos udhici
2. Gaajadaa kaa yaraan,
3. Daalkaa kugu yaraan, waliba cuntada ka dib
4. Tamartaadaa kor u kacaysa
5. Baruurta iyo biyaha badan ayaa jidhkaaga ka yaraanaya. Waliba baruurta caloosha, xaluska
6. Firfircoonaan, farxad badan, xasuus badan,
8. Diirkaaga/maqaar kaaga ayaa wuxu noqonayaa saafi ama smooth
8. Jidhkaa ku furfurmaya
9. Tamar taadu waxay ka imanaysaa subaga (fats) jidhkaaga ku jira
10. Neerfahaaga ayaa xoogaysanaya
11. Beer subaga ayaa kaa yaraanaya
12. Kalyahaaga ayaa sifiican u shaqaynaya
13. Hammigaaga jinsi oo caafimaad hela (improved libido)

Fiiro gaar ah: waxani sheeko baralay maaha, waxa lagu ogaaday cilmi baadhis. Adna tijaabi sidaan amba u tijaabiyey.

05/10/2023

🥒🥒Faa iidooyinka qajaarka🥒🥒
1. Cudurada
Cudurada waxyaabaha jirka ka difaaca waxaa ka mid ah qajaarka sababtoo ah jirka wuxuu u sameeyaa difaac ay adag tahay in jeermisyadu ay kaso gudbaan.
2. Miisaanka
Miisaanka waxyaabaha dheelitira waxaa ka mid ah qajaarka sababtoo ah wuxuu shiilaa ama burbiyaa xeyrta dheeraadka ku ah jirka gaar ahaan xeyrta caloosha.
3. Wadnaha
Wadnuhu waa mid ka mid ah jirkeena xubnaha ugu muhiimsan wuxuuna nooga masuul yahay dhiiga. Qajaarku wuxuu wasaqda ka saaraa dhiiha sidoo kale wuxuu ka qayb qaaataa in caafimaadka wadnaha uu wanaagsanaado.
4. Maqaarka
Maqaarka in liishe ama sibibix uu noqdo, xarfadka iyo qalaylkana ka baaba'o waxyaabaha sababta u ah waxaa ka mid ah qajaarka. Kareeemyada la mariyo jirka intooda badan waxaa laga sameeyaa waxyaabo dabiici ah oo qajaarku ugu horeeyo
5. Sokorta iyo calool fadhiga
Dadka sokorta qaba khudaarta loo ogol yahay dhakhaatiirtuna ku taliso wxaa ugu horeeya qajaarka sababtoo wuxuu sokorta kala dagaalamaa in ay kacdo. Qajaarku wuxuu sidoo kale saxarada ka dhigaa mid aad u jilcan

03/10/2023

Taxanaha caafimaadka: Qaybta 1aad
✅️5 tan qeybood ee hoos ku xusan qodobkee ayaad ka heshay ama adiga xiriir dhaw kula leh?
1. Cabista shaaha Qarfuhu ku jiro waxay kaa yarayn doontaa wadna garaaca, dibiryada, gaaska, oodimaha iyo calool fadhiga.
2. Hadii hurdada aad habeenkii hurudo ay tahay Lix saac oo xiriir ah walina aad dareemayso ama lasoo kacayso daal hurdada kadib jirkaaga ayaa biyaha cabistu ku yartahay ee biyo cab.
3.Qandhada waxyaabaha dabiiciga ah ee baabi'iya waxaa ugu horeeya Liin bambeelmada sababtoo ah maado heerkulka ajirka hoos u dhigta ayaa ku jirta.
4. Stress-ku wuxuu saamayn ku yeeshaa dheefshiidka qofka, sidoo kale socodka caloosha ayaa ka mid ah waxyaabaha uu saamaynta ku reebto, jooji ka fakarka waxyaabaha aadan awooda u lahayn, kuna qanac qadarta الله.
5. Cayilka iyo miisaanka culus ee xad dhaafka ah waxay qalqal iyo dhibaato u gaystaan lafaha qofka gaar ahaan jilbaha iyo lugaha hoose, cayilku wuxuu halis ku yahay xidida dhiiga gaar ahaan kuwa siiya qaybaha hoose ee jirka.

Dr.GacaL Health/beauty

19/03/2020

Coronavirus (COVID19 ) prevention

19/03/2020

Coronavirus(COVID19 )prevention

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


Mogadishu