YASIN News

YASIN News

Share

Halkan kala soco warar sugan bariga dhexe, geeska Africa iyo caalamka intiisa kaleba.

25/08/2026

🚨Dawladda Soomaaliya ayaa bilowday diiwaangelinta maraakiibta caalamiga ah ee ku gooshaya calanka Soomaaliya. Markii ugu horreysay muddo ka badan 30 sano, ayaa la diiwaangeliyay markab ganacsi oo badaha caalamka ku maraya calanka Soomaaliya. Markabkan ayaa hadda bilaabay isku xirka tooska ah ee Dekedda Muqdisho iyo dekedaha Turkiga, isagoo laba jeer bishii badeecooyin ka qaadaya Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin wax-soo-saarka beeraha, halka uu Soomaaliya uga soo qaadayo badeecooyin ka imanaya Turkiga, sida uu weriyey telefishinka Turkiga ee TRT.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Maersk, oo ah shirkadda labaad ee ugu weyn caalamka marka laga hadlayo maraakiibta konteenarrada, ay bilaabayso inay badeecooyinka Soomaaliya, gaar ahaan wax-soo-saarka beeraha, u gudbiso suuqyada Yurub, dalalka ku xeeran Mediterranean-ka, Waqooyiga Afrika, Khaliijka, Hindiya iyo Shiinaha.

Sidoo kale, badeecooyinka ka imanaya suuqyadaas ayaa Soomaaliya loo soo gaarsiin doonaa si toos ah, iyadoo waqtiga gaadiidku ka yaraanayo hal bil. Tani waxay yareyn kartaa ku-tiirsanaanta Soomaaliya ee badeecooyinka loo soo mariyo dekedaha Imaaraadka Carabta, kuwaas oo mararka qaar qaadan jiray ilaa 50 maalmood inta ay Muqdisho soo gaarayaan.

Waxaa kaloo warbixinta TRT, lagu sheegay inuu socdo qorshe meel ka baxsan Muqdisho, looga dhisayo deked noqon karta midda ugu weyn Soomaaliya.

Masdar Iman Jama

Follow dheha pageka

17/08/2026

🚨Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa usoo bandhigay xaaladda Suudaan inay tahay mid khatar badan oo wanaag uusan ka muuqan, inkastoo uu ballanqaaday Turkiga inuu mar walba taageerrayo dawladda Suudaan, hadana ma soo bandhigin tallaabooyin lagu beddelayo jihada dagaalka.

Masdar Wareysi uu Siiyay Erdogan Al Jazeera

Follow dheha pageka

17/08/2026

🚨Iiraan ayaa lagu warramayaa inay isku diyaarinayso wareeg cusub oo dagaal ay la galayaan Mareykanka, kaasoo ay u arkaan in dhinacooda looga baahanyahay inay markan ballaariyaan si ay maskaxda Trump uga saaran iskuday kale oo uu ku soo weerarri karo Iiraan.

Warbixintan waxaa lagu sheegay in hoggaanka cusub ee Iiraan, gaar ahaan garabka mayalka adag ee uu hoggaamiyo Mojtaba Khamenei, uusan u arkin is-afgaradkii Mareykanka uu yahay waddada lagu soo afjarayo dagaalka,taa beddelkeeda wuxuu rumaysan yahay in heshiisku ahaa fursad ay ku dib u dhisaan awooddooda militari oo ay ugu diyaar garoobaan dagaal kale oo weyn.

Masdar Wall Street Journal

Follow dheha pageka

16/08/2026

🚨Dowlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in bisha September dib u bilaabi doonto dulimaad yadi ay Samayn jirta shirkada Soomali Airlines oo shaqa joojin gashay laga soo bilaabo tan iyo marki meesha ka baxday dowladi kacaanka 1991, mudo hadda laga joogo 35 sano.

Shirkada Somali Airlines ayaa ahayd shirkad dowlada Soomaaliya lahayd maamulkeeda oo dhidibada loo tagay 5 march 1964 iyado shaqadeed dulimaad toos u bilowday july 1965.

Duulimaadkeedi u horaysay ka samayn jirtay madaarka Muqdisho markii dambana lagu soo kordhiyay madaarka magaalada Hargeysa.

Dowlada Federalka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dib loosoo celin doono shaqada shirkadan 28kii july 2025, iyadoo dowladu heeshiis gashay ay kusoo iibsanayso labo diyaaradood oo Airbus A320 ah.

Masdarka Bloomberg

Follow dheha pageka

14/08/2026

🚨Shiinaha ayaa toddobaadkan ku dhawaaqay inuu dhulkiisa ka helay nooc macdan cusub oo lagu magacaabo Wusiheite, taas oo hodan ku ah maadada loo yaqaan Germanium 72%.

Madadan ayaa loo isticmaala inta badan soo saarista Chips yada iyo Resistors yada.

Masdar Global Times.

Follow dheha pageka

14/08/2026

🚨Xuutiyiinta ayaa ku beegsaday Tikada magaalo xeebeed Al mukhaa ee gobolka Tacaz 6 gantaalo balastik iyo 15 diyaarado drone ah Dowlada dunidu aqoonsatahay ee Yaman ayaa sheegay in laqabtay 8 diyaaradood oo drones ah balse 6 gantaal ee balastika ah ayaa toos ugu dhacay maraakiib yar yar oo tikada ku sugnaa kasoo ay ka dhashay dhaawac kasoo gaaray dad rayid ah iyo dab qabsaday tikada.

Dagaalka dib uga qarxay dalkaas ayaa laga dayrinaya ka dib markii uu burburay heshiis xabad joojin ah oo ay dhexdhexaadisay qaramada midowbay 2022 oo u dhaxeeyay Xuutiga ee Dowlada Sucuudigo tageero ee la aqoonsan yahay.

Ciidanka xooga dalka ee ka amar qaata Dowlada Yaman gaar ahaan waaxda difaaca hawada ayaa sheegay inay bilaabeen inay ku beegsadaan meelaha Xuutigu ku sugan yahiin Drones ay soo saareen iyagoo sheegtay inay khasaare ee maal iyo nafba ah gaarsiyeen Xuutiga. Waaxda ayaa sheegtay inay dhawaan horumarin doonan gantaalo rido dhaxo leh iyo hubkale oo xoojin doona difaaca hawada iyo ka hortaga droneska iyo gantaalada sidoo kale dib logu soo celin doono shaqada diyaaradihii dagaalka ee dalka.

Masdar Al Carabiya

Follow dheha pageka

Photos from YASIN News's post 14/08/2026

🚨Safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Sudan ayaa si rasmi ah looga guddoomay waraaqadaha aqoonsiga Danjirenimo Amb Axmed Jaamac Cumar.

Danjire Axmed Jaamac Cumar Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doonaa dalka Sudan ayaa noqday safiirkii ugu h**eeyey ee waraaqadaha aqoonsiga Danjirenimo looga guddoomo Madaxtooyada dalka Sudan tan iyo markii ay dagaalladu ka dhaceen dalkaasi.

Waxaa warqadaha Danjirenimo ka guddoomay Guddoomiyaha Golaha Ku-meel-gaarka ah iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan.

Masdar SNTV

Follow dheha pageka

14/08/2026

🚨Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty ayaa magaalada El Alamein ee ku taal xeebta Mediterranean-ka ee waqooyi-galbeed Masar, ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga,Hakan Fidan.

Sacuudiga ayay ku dhalisay walaac iyo niyad-jab wararka sheegaya in Masar ay ka labalabeynayso ku biirista heshiiskii difaaca ee Makkah.

Lakiin saddexda dhinac ayaan ka hadal waxa uu daarnaa kulanka iyo natiijooyiinkii kasoo baxay.

Masdar Arabiya News

Follow dheha pageka

13/08/2026

Waa Ayo Ra’iisul Wasaaraha Cusub Ee UK 🇬🇧 ?

Andrew Murray Burnham waxa uu dhashay 7 janaayo ee 1970 da’ ahaan waxa uu hada jira 56 wuxuuna ku dhashay magaalada Aintree ee Lancashire ee cariga England 🏴󠁧󠁢󠁥󠁮󠁧󠁿.

waa siyaasi British ah soona qabtay xilal badan oo Dowlada ah waxaana ka mid ah:

Waxaa uu badalay Ra’iisul wasaarihii h**e ee Keir Starmer 20kii July 2026, Waxaa kale oo ah xubin kasoo noqday parlamaanka UK ee Makerfield kuna matalaayay waxa loo yaqaano Manchesterta Weyn (Greater Manchester) ilaa laga soo garayay bishii June 2026, waxaa una sidoo kale ah Duqa Magaalada Manchester inti u dhexaysay 2017 ilaa 2026. Wixii intaa ka horaysay wuxuu ahaa xubin ka tirsan parlamaanka dal weynaha Uk 🇬🇧 laga soo bilaabo 2001 ilaa 2017 ee Leigh.

Ninkan oo lagu tilmaamo inu yahay Qof fur-furan oo Socialist ah oo kana tirsan xisbul cumaalka ama xisbiga shaaqalaha laguna sifeeyo in kamida yahay bidixda dhexdhaxaadka ah. ideloojiyadiisa Siyaasadeedna waxaa lagu magacaaba “Manchesterism”.

Follow dheha pageka

13/08/2026

Waxaan u hambalyaynayna labada Garsoore ee Soomaaliyeed guusha iyo Sida quruxda badan ee ay u dhaxdhaadiyeen UEFA Super Cup 2026.

Omer Abdulqadir Artan (Referee)🇸🇴
Liban Abdourizak Ahmad (Assistance Referee)🇩🇯

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Dire Dawa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Address


Melbourn
Dire Dawa
3001