Waylood MEDIA

Waylood MEDIA

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Waylood MEDIA, Health/Beauty, Jigjiga, Jijiga.

01/08/2026

Xamaas ayaa sheegtay in wareejinta hubkeeda culus, taas oo qayb ka ah heshiiska ay la gashay Guddiga Nabadda ee Trump, ay ku xiran tahay in Israa’iil ay joojiso “dhammaan noocyada gardarrada” isla markaana ay ciidamadeeda kala baxdo Qasa.
Bayaan ay soo saartay, kooxda ayaa sheegtay inay si “mas’uuliyad iyo si wanaagsan” ah uga wada xaajootay heshiiska, iyadoo ay jirto “is-afgarad qaran oo u dhexeeya kooxaha Falastiiniyiinta.”
Waxay sheegtay in ballanqaadka Israa’iil ee ah inay joojinayso weerarrada ka dhanka ah Qasa uu yahay “shardi aasaasi ah” oo lagu sii wadi karo heshiiska.
Xamaas ayaa sidoo kale sheegtay in heshiisku uu dhigayo in la geeyo ciidamo caalami ah oo ilaalin ah, isla markaana la damaanad qaado xaqa “is-maamul iyo go’aan-qaadasho,” iyo in la dhiso dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan.
Waxay intaas ku dartay in hubka culus ee ay Xamaas wareejiso lagu kaydin doono mas’uuliyadda Guddiga Qaran ee Maamulka Gaza (NCAG) ee hoos yimaada Guddiga Nabadda.

31/07/2026

Afar kamid ah Orodyahanada Deeganka ayaa la amba-bixiyay. Waxaa qaatay oo ay u ordi doonan dalka Qadar. Ciyaartoyo h**e ayaa sii joogay Qadar.

31/07/2026

Alle ha u naxariisto hobalkii waynaa Axmed Cali Ciggaal, oo cariga Maraykanka ku dhintay.

29/07/2026

Sucuudiga wuxuu duqaynaayaa hadda ilaa xalay maleeshiyaadka shiicada ku sugan ciraaq , marxalad kale ayuu dagaalku galay .
nasiib xumo sucuudiga kaalin ayuu ku lahaa maleeshiyaadkaas inay qabsadaan dhulka sunniyiinta ilaa hadana maleeshiyaadkaas ay xoog ku haystaan guryo dadkii daganaa laga barakiciyay gobolada Naynawaa , Al anbaar , salaaxu diin iyo xataa gobolka diyaalaa , waxay ku socdeen Falsafa ah " argagixisada sunniga ayaan la dagaalamaynaa sida ay dhihi jireen kuwa shiicadana waan soo dhawaysanaynaa laakiin waxaan aragnaa nasiib xumo inay guranaayaan maanta mirihii ay beereen kadib markay maleeshiyaadkaas weerareen sucuudiga .

28/07/2026

Ruushka oo si adag ugu hadlay weerarkii Ukraine ku beegsatay markab Iiraan leedahay. Hoos ka akhri👇🏾

28/07/2026

Musiibadu mataqaano ma Qof wayn baad tahay mise midyar ilmahaa yar imtixaan adag baa Ku habsaday.

Saaka, gabadhan yar ayaa macsalaameysay aabaheed oo shahiid ah, Mahmoud Taroush, maadaama ay kaligeed tahay qofka kaliya ee ka badbaaday qoyskeeda.

Sannad ka hor, gurigooda ayaa la bartilmaameedsaday, iyadoo la dilay hooyadeed iyo walaalaheed. Iyada iyo aabaheed oo keliya ayaa ka badbaaday. Shalay, aabaheed ayaa sidoo kale la bartilmaameedsaday oo la dilay, iyadoo kaligeed ah ayaa kanool qoyskeedii oo dhan.

Sagootintii ugu dambeysay, aad ayay u ooyaysaa xanuuna musiibada illaahay uqadaray. Dhacdo aad u xanuun badan.

Ilaahay ha u naxariisto qoyskeeda oo ha siiyo Samir iyo iimaan Kamil ah.

28/07/2026

Beerka xoolaha oo la cuno ma daweyn karaa cudurada beerka ee ku dhaca bini'aadamka?
Inta badan dadka waxay maqlaan talo ah: "cun beer si dhiiggaagu u fiicnaado," waxaana si gaar ah loogu sheegaa haweenka uurka leh ama dadka daciifka ah.
Taasi waa sababta ay dad badani u jecel yihiin cunista beerka ari ama digaag, balse su'aashu waxay tahay: ma run baa arrintaas? Ma caawin kartaa cunista beerka digaag ama ari in ay yarayso dhaawaca ee bini'aadamka?
Arrintan la xiriirta, Machadka Qaranka ee Caafimaadka ee Maraykanka (NIH) wuxuu sheegay in fitamiinno, bir (iron), borotiin iyo nafaqooyin kale oo badan laga helo beerka digaagga iyo ariga, sidoo kale waxaa laga helaa beerka lo'da
Dhanka kale, fitamiin A badan looma tixgeliyo mid u wanaagsan haweenka uurka leh.
Hay'adda Caafimaadka Qaranka ee UK (NHS) ayaa sheegtay in haweenka uurka leh ay ka fogaadaan cunista beer badan, sababtoo ah heerarka sare ee fitamiin A ee ku jira waxay waxyeello u geysan karaan uurjiifka.

Photos from Waylood MEDIA's post 28/07/2026

Weerarkii argagixisada ee Israel ay ku qaaday Lubnaan weli waa weerar kale oo Israel ah oo aduunka oo dhan si dhakhso ah uga dhaqaaqay.

Kuwani waa sawirada dhibanayaasha ka dhashay weerarka, waxaa sawiray Hassan Ammar . 17-kii Sebteembar 2024, kumanaan qalab oo gacanta lagu qabto ayaa ku qarxay Lubnaan weeraro taxane ah, oo lagu xiray suuqyada waaweyn, wadooyinka mashquulka badan, iyo xitaa inta lagu jiro aaska. Weerarka ayaa waxaa ku dhintay tobanaan qof waxaana ku dhaawacmay in ka badan 3,000, iyagoo qoysas iyo bulshooyin ku burburay.

Sawiro: Hassan Ammar

26/07/2026

"Ha ogaadaan kuwa ku faanaya Reer Galbeedku inay yihiin tusaalahooda, Annagunna in tusaalaheennu ay yihiin Cuthmaan iyo Cumar."
شهيد فاروق رمضان 🥹

26/07/2026

WAR DEGDEG AH

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Xildhibaannada Baarlamaanka Waqooyi Bari ay goordhow cod u qaadeen soo jeedin la xiriirta saraakiisha lagu qabtay dagaalkii Goojacadde.

Sida wararka la helayo tilmaamayaan, Guddoonka Baarlamaanka Waqooyi Bari ayaa la filayaa inuu maanta soo saaro qaraar rasmi ah oo ku saabsan natiijada codbixinta iyo tallaabooyinka xiga.

Wixii wararka dheeraad ah iyo xog rasmi ah ee kasoo kordha arrintan waan idinla socodsiin doonaa.

Follow us Waylood MEDIA

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Jijiga?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


Jigjiga
Jijiga