Anwar xaji

Anwar xaji

Share

Jeybe

Photos from Anwar xaji's post 18/08/2022

❝ Meel kasta oo aan joogno, Waxaan nahay wehelka ciidamada geesiyada Deegaankeena ❞ Xaaji Nuur Aaden

Xaaji Nuur Aaden, Oo ka mid ah Qurbo-joogta Deegaanka Soomaalida ee ku nool Carriga Maraykanka, ahna mulkiilaha Shirkada Alderman, ayaa maanta Masuuliyiinta hay'adaha amniga deegaanka, ku wareejiyay, Deeq Daawo ah ,oo uu ugu talo galay, Ciidanka Xooga gaarka.

Dhawaan ayay ahayd, markii ay Ciidanka xooga gaarka deegaanku, cagta mariyeen kooxdii Argagixisada alshabaab, ee uu damacu ka soo galay inay khalkhal-geliyaan amniga bulshada deegaanka, balse ay halyeyyada Ciidanka xooga gaarku u quus gooyeen.

Mudadii uu dagaalku socday iyo intii ka dambaysayba, waxaa isasoo taraysay, taageerooyinka kala duwan ee ay shacabweynaha taraysay, taageerada iyo garab istaaga ay shacabka deegaanku u muujinayeen, ciidanka xooga gaarka deegaanka.

Xaaji Nuur Aaden, oo warbaahinta kala hadlay, ayaa sheegay in uu go'aansaday si uga qayb-qaato difaaca ay ciidanku ugu jiraan, ka sifaynta ay deegaanka ka sifaynayaan kooxaha argagixisada iyo cid kasta oo ka xun amniga bulshadeenu haysato, sidaas awgeedna uu Deeqdan Daawada ah u arkay inay tahay meesha ugu muhiimsan ee ay ka shirkad ahaan kaga qayb-qaadan karaan.

Hogaan kuxigeenka Xafiiska nabadgelyada DDS, Mudane. Maxamed Cali Daahir iyo Komishineer kuxigeenk booliska DDS, Major-jeneral. Sakariye Cabdi Khaliif, oo deeqda ka gudoomay, Xaaji Nuur, ayaa sheegay, in ay aad ugu faraxsan yihiin deeqdan uu Nuur soo gaadhsiiyay ciidanka, waxayna uga mahad-celinyaan dadaalka uu ka sameeyay dhanka garab-istaaga ciidankiisa.

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Nazareth?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Shgs
Nazareth
DNG