Cusbitaalka degmada arabsiyo

Cusbitaalka degmada arabsiyo

Share

Arabsio District Hospital 🏨

01/09/2026

Muddo kooban kadib, waxa suurto gashay in dib loo furo waddada isku xidha Cusbitaalka degmada Arabsiyo iyo laamiga weyn, taas oo muddo dheer u xidhnayd kadib markii ay xannibeen dhir aad u badan isla mar ahaantaasna biyo robaadku ay dhibaato badan gaadhsiiyeen.

Furitaanka iyo banaynta waddadan ayaa ku timid wada-tashi dhex maray Agaasimaha Cusbitaalka, Guddoomiyaha Degmada Arabsiyo iyo Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose, kuwaas oo isla qaatay in si degdeg ah wax looga qabto waddadan muhiimka ah.

Ugu dambayn Dawladda Hoose ee Degmada Arabsiyo ayaa malinimadii shalay fulisay banaynta wadada, taas oo hadda fududaynaysa isu-socodka bulshada iyo gaadiidka, gaar ahaan dadka u socda adeegyada kale duwan ee Cusbitaalka Arabsiyo.

Agaasimaha Cusbitaalka Arabsiyo waxa uu uga mahadcelinayaa Dawladda Hoose ee degmada arabsiyo sida dhakhsiyaha badan ee ay uga soo jawabeen isla mar ahaan taasna u fuliyeen hawshaa muhiimka ah.

Photos from Cusbitaalka degmada arabsiyo's post 17/08/2026

SAWIRO:

MUNASIBADII XILWAREEJINTA MADAXA MAAMULKA IYO MAALIYADA.

16/08/2026

Xilwareejinta Madaxii H**e iyo Madaxa Cusub ee Maamulka iyo Maaliyadda

Agaasimaha Cusbitaalka Degmada Arabsiyo, Mohamed Abdirahman, ayaa maanta xilkii Maamulka iyo Maaliyadda ee Cusbitaalka u kala wareejiyay Madaxii h**e, Nafiisa Daud Ahmed, iyo Madaxa cusub, Hana Ali Arab.

Agaasimuhu waxa uu uga mahadceliyay Madaxii h**e ee Maamulka iyo Maaliyadda, Nafiisa Daud Ahmed, dadaalkii, shaqadii iyo masuuliyaddii ay muddada xilka haysay u gudatay si xilkasnimo leh, isaga oo u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Sidoo kale, Agaasimaha Cusbitaalka ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxa cusub ee Maamulka iyo Maaliyadda, Hana Ali Arab, isaga oo kula dardaarmay in ay xilkaa cusub u gudato si xilkasnimo, daacadnimo, hufnaan iyo masuuliyad leh, isla markaana ay sii xoojiso nidaamka maamulka iyo maaliyadda Cusbitaalka.

22/06/2026

📢 ADEEG CUSUB OO BILAABMAY!

Cusbitaalka Degmada Arabsiyo waxa uu ugu bishaaraynayaa dhammaan bulshada ku dhaqan degmada iyo nawaaxigeeda in la idiin soo kordhiyey adeegga:

Xalaalaynta Wiilasha (Surgical Circumcision)

Adeeg casri ah oo lagu fulinayo:
✅ Hab caafimaad oo ammaan ah
✅ Qalab caafimaad oo casri ah
✅ Daryeel caafimaad oo tayo leh
✅ Shaqaale caafimaad oo khibrad leh

Waxaan waalidiinta ku dhiirigelinaynaa inay ka faa’iidaystaan adeeggan cusub si carruurtoodu u helaan daryeel caafimaad oo sugan.

📍 Arabsiyo District Hospital

02/06/2026

kalmadii uu madasha ka yidhi Agaasimaha Cusub Ee Cusbitalka degmada Arabsiyo
Mahomed Abdirahman Mohamoud.

02/06/2026
Photos from Cusbitaalka degmada arabsiyo's post 02/06/2026

:- Xaflada Xilwareejinta Agaasimaha Cusub iyo Agaasimihii H**e Ee Dhakhtarka Degmada Arabsiyo.

02/06/2026

Iskuduwaha Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Gobolka Gabiley oo uu Weheliyo Agaasimaha Cududa Shaqaalaha ee Wasaarada horumarinta Caafimaadka ayaa Xilkii u kala wareejiyay Agaasimaha Cusub iyo Agaasimihii H**e ee Cisbitaalka Guud ee Degmada Arabsiyo....!

Category

Website

Address


Arabsiyo Main Road, Germany Colony
Arabsiyo
002522

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cusbitaalka degmada arabsiyo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Subscribe

We will notify you when anything happens in Arabsiyo.