Qaadi Aweys
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Qaadi Aweys, Health/Beauty, Muqdisho.
With Zakariye Timacadde – I just got recognized as one of their top fans!
11/08/2024
11/08/2024
Qalideydaay waxan kuu wadaa talooyin si aad ah kuu anfici doono:
🌸1. Ha ilaawin inaa muuqaalkaaga ka taxadarto oo dhar ku asturaya oo kuu qalmo aad xerato, oo codkaaga gaaban iyo socodkaaga degen ay sifooyinkaaga ka mida kuu noqdaan oo mar waliba aad naftaada xakameyso, qeylada iyo ficiltankana iyo dagaalada iyo buuqana aad ka fogaato. 🌿
🌸2. Mar walba isticmaal kalmadaha wanwanaagsan sida: shukran, mahadsanid, adigoo raaliya, iga raali noqo, iyo wixi lamida, oo noqon mid qofka wax yar xataa u sameeyay u mahad celisa oo gabadha u shaqeysa xataa shukran ku tiraahda, wayao qofka dadka ku shukriya malaa'igta ayaa ku shukrineysa.🌿
🌸3. Mar wakba ku kalsoonow naftaada iyo aqoontaada iyo qaalinimadaada, hana u ogolaan qofna inuu kuu gafo ama ku liido ama wax kuu dhimo.🌿
🌸4. Meel walbood tagto ku beer farxad iyo energy wanaagsan oo noqo mid la joogeeda lagu farxo markey tagtana uu ka haro raad wanaagsan oo lagu xasuusto.🌿
🌸5. Ka fogoow namiimada iyo isku dirka iyo xanta, oo qofna ha u geysan dhaawac, noqo gabar ay ka amaan helaan noolaha oo dhan.🌿
🌸6. Ixtiraam khusuusiyaadka dadka oo qof walba ha weydiin su'aalo khaas ah hana daba galin oo ha isku dayin inaa wax ka ogaato noloshiisa iyo arimahiisa gaarka ah.🌿
🌸7. Iska jooji inaa xanjo ku ruugto dadka hortooda, eena baro aadaabta wax loo cuno oo adiga oo cunto afkaaga ku jirto ha hadlin ee markaa liqdo hadal, intaa wax ruugeysana afkaaga ha isku qabsanaado oo ha daboolnaado.🌿
🌸8. Istaag booskaaga haddii saf lagu jiro oo ay dad badan kaasoo horeeyaan oo ha isku dayin inaa dadka ka hor marto, noqo mid raacda shuruudaha iyo nidaamka oo ilbaxad ah oo ilaalisa waqtiyada balanta.🌿
🌸9. Ka fogoow inaa ereyo xun dadka ugu wacdo ama ereyo xun u adeegsato hadalkaaga, mar walba ka fogoow isticmaalka ereyada anshada daran een ku habooneyn habar muslimad ah.🌿
🌸10. Ixtiraam shaqaalaha kuu adeegaya sida weytarka cuntada kuu keenaya iyo qof walboo howl kuu qabtay xataa haddey shaqadiisa tahay oo u mahad celi qofki galaas biyaa xataa kuu keena.🌿
🌸11. Asxaabtaada xad u yeel oo ha u ogolaan mowduuc walboo ku quseeya iney kula falanqeeyaan oy arimahaaga xasaasisaga ah kula ogaadaan, waligaana hakala sheekeysan mawaadiicda gogosha.🌿
🌸12. Iska jir inaa xaqirto ama niyada ka jabiso oo qac ka yeersiiso qof waliba dadka hortooda waayo waxa imaan doonta maalin qac weyn kaa yeeri doonto oy qalbadda ku jabi doonto.🌿
Fadlan la wadaag asxaabtaada oo usii share garee ❤️❤️🌸
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Muqdisho
